TILLAABO KHALDAN: Kenya oo si khaldan u adeeganaysa ”sharciyadda” ay Somalia ku joogto (DF oo ka aamusan)

0

(Nairobi) 21 Maarso 2019 – Sidii aannu horay uga sii digney, Kenya ayaa bixitaanka ciidamadeeda ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo u adeegsanaysa tallaabooyin ay maagayso cadaadis ku saar dowladda Soomaaliya, sida lagu qoray wargeyska Daily Nation.

John Kariuki oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Kenyan ah ayaa bixitaanka qaar ka mid ah KDF oo xeryohooda u bannaynaya Al Shabaab ku sheegay “mid ay uga aargudanayso Dowladda Soomaaliya.”

Yeelkeede, waxaa halkaa ka dhalanaysa su’aal kale oo xitaa ku fooggan xalna uga baahan DF Somalia waxayna tahay: ”Sidee Ciidamada AMISOM uu dal gaar ihi siyaasaddiisa ugu adeegsan karaa, jeer ay sheeganayaan inay sharciyadda Midowga Afrika ku yimaadeen iyagoo nabad ilaalin u jooga Somalia?”

Ka warran haddii aysan ciidamada bax baxayaa aysan ka tirsanayn AMISOM?

Haddii aysan ka tirsanayn howlgalka nabad ilaalinta lagu sheego ee AMISOM waxaaba khalad ah inay joogaan ciidda Somalia, waxaana muuqata in DF Somalia ay muddo dheer wejiga ka qarsanayso hab-dhaqanka Kenya oo markii horeba Somalia kusoo gashay qaab sharci darro ah.

Ka warran haddii ay AMISOM raalli ka noqoto hab-dhaqanka ciidamada Kenya?

Markaas waxaa halkaa ku baaba’aysa qiyamka iyo isku hallaynta AMISOM guud ahaanba, waayo waxaa AMISOM ka mamnuuc ah inay ku milmaan siyaasadda gudaha Somalia, taasoo ah mid ay iminkaba sameeyaan ciidamada KDF, balse markan waxaaba u dheer inay wiiqayso amaanka gudeed ee Somalia, taasoo ka dhan ah magaca iyo sharciyadda ay Somalia ku joogaan.

Warar uu Hadalsame horay u helay ayaa u dhignaa in Kenya oo cadaadis saaraysa Somalia ay ciidankeeda qaar ka saareyso goobo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo.

Ciidamada KDF ayaa guud ahaanba tacaddiyo ka gaysta goobaha ay ka joogaan dalka Somalia, sida burburinta kaabayaasha, duqaynta dad shacab ah iyo amaanka oo aysan wax wayn ka tarin.

Hadalsame Media

Facebook Comments