DAAHA GADAASHIISA: Sidii ay millateriga Masar xukunka uga fara maroojiyeen MW Mursi (Daawo)

0

(Qaahira) 20 Maarso 2019 – Sannadkii 2011, Gugii Carabtu waxa uu soo gebagebeeyay xukunkii 30 sannadood ee Xusni Mubaarak, 18 bilood kadibna Maxamed Mursi ayaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay oo Masar si talawadaag ah u doorato.

Balse sannad markii uu Mursi kursiga ku fadhiyay waxaa bilowday mudaaharaadyo asbuucle ahaa kuwaas oo ugu dambayn gaaray meel sare iyo in Mursi laga dalbado in uu iscasilo.

Luulyo 2013 Mursi waala afgambiyay.  Wariyaha Aljazeera ee Jamaal Alshayaal oo waqtigaas soo warinayay dhacdooyinkii Masar ka dhacayay  ayaa hadda  soo bandhigay  caddaymo khaas ah oo muujinaya dibindaabyo, qalqaalooyin danaysi ah iyo khiyaanooyin dhacay maalmihii ugu dambeeyay xukunkii Mursi.

Ilaa iyo hadda wicii dhacay maalmihii ugu dambeeyay ee Mursi kaliya waxaa ogaa kuwii markaas Mursi la joogay. Sagaal nin oo Mursi waqtigaas la joogay hal maahane intii kale xabsiyada ayay ku jiraan.

Muuqaalkaan ayaa kaaliyihii hore ee xiriirka dibadda, Khaalid Al Qazzaz iyo kuwa kale ku sheegeen sheekooyinkii daaha gadaashiisa ka dhacayay ee maalmihii ugu dambeeyay xukunkii Mursi.

Gebi ahaanba sannadihii 2012 iyo 2013, jidadka Masar waxaa ruxay dibadbaxyo asbuucle ahaa, oo xambaarsanaa caro iyo jaajwareer kuwaas oo dalka iyo dadkaba kala qaybiyay.

Dadkii kacdoomay sannadkii 2011 ma aysan arag wax isbeddal dhaqaale ah waxa ayna dareemeen in xorriyadda ay heleen si khaldan loo isticmaalay.

Koronto la’aan joogto ah, shidaal yaraan iyo safafka dhaadheer oo shidaalka loo galay ayaa gadaal laga ogaaday in ay ahaayeen kuwa ay soo dharaandhiriyeen canaasiir xukunka Mursi ku kacsan si ay shacabka u kiciyaan.

Laakiin xasaradaha Masar kuma ekayn shidaalyarida iyo mushaar yaraanta oo kaliya, kumana aysan koobnayn magaalooyinka waawayn. Siinaay, weerar ayaa la la beegsaday ciidanka amaanka waxa aana weerarka qaaday koox aan horay magacooda abid loo maqlin.

“Mursi waxa uu ka cawday faragelin dal Khaliijka ah ka imaanaysay waxa uu na iisheegay in ay heleen hub ka yimid dalkaas kuna socday kooxo hubaysan oo Siinaay ka dagaallama, sidoo kalena lacag ayaa loo diray kooxahaas,” sidaas waxaa yiri Khaalid Al Caatiyah, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Qadar. “Laakiin waxa kale oo uu iisheegay in uu diyaar u yahay in dalkaas la xaajoodo.”

Markii dibadbaxyadii sii socdeen arrimo badan baa soo baxay, madaxda caalamku walaac ayay muujiyeen. Laakiin waxa ay u ekayd in arrinta Mursi goor horeba meel la dhigtay oo go’aan laga gaaray.

“Inta aan ogahay saraakiil sarsare oo Marankan ahi waxa ay ogaayeen in afgambi millateri dhici doono,” sida uu qabo Andrew Miller, oo ka mid ahaa Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (2014-2017).

Maalmo kaddib khudbaddii Mursi, Juun 26, taas oo uu shacabka ku dejiyay, mucaaradkana uu dhawr waxyaabood u oggolaaday, Wasiirkiisii Gaashaandhigga Cabdifataax Siisi ayaa amar ka ma dambays ah siiyay asaga oo labo kala dooran siiyay, in uu is casilo ama uu afgambi ciidan wajaho.

Marka millaterigu amarka 48 saac soo saarayo, waxaan u malaynayaa in badiba aragtida Maraykanku ay ahayd “Hadda waa goor xeero iyo fandhaal kala dheceen”. “Wixii dhici lahaa waa dheceen haddii Mursi is casili lahaa si uu afgambiga uga hortago iyo haddii kaleba mar walba millaterigu xafiiska xoog ayay uga saari lahaayeen.” ayuu yiri  Miller.

Mursi waxaa la afgambiyay 3-dii  Luulyo 2013, waxaana la galiyay xabsi guri ayadoo aan loo oggolaanin in uu qofna la hadlo.

Khaalid Al Qazzaz Kaaliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda ayaa sharraxay kulankii ugu dambeeyay ee uu Mursi la yeeshay.

“Subaxnimadii Luulyo 4, waxaa naloo ogolaaday in aan la quraacanno madaxweyne Mursi. Waxaa aan ugu tagnay asaga oo si yaab leh deganaan uga muuqato. Waxa uu yiri waa markii ugu horreysay ee uu si joogto ah saacado is xiga u seexdo tan iyo markii uu xilka qabtay.”

“Waa ay iska caddayd in uu intii karaankiisa ah qabtay si kacaanku u guulaysto uu na difaaco dadka Masar. Hadda dadka ayay u taal in ay kala doortaan in ay ku noqdaan waqtigii dalku ahaa dal askari ka taliyo iyo in ay kacaankooda difaacdaan.”

Ilaa iyo afgambigii 2013 iyo burburinta boliiska ee Akhwaanul Muslimiinku wax ay sababtay dhimashada boqollaal dad ah iyo kumannaan xabsiga loo taxaabay, tiiyoo qaar badan loo adeegsaday xeer kaa xoog badni ah oo la yiri waa argagixiso iyo dibed bax la dirir.

Mursi dhawr goor ayaa kiisas kala duwan loo maxkamadeeyay. Madaxeynihii hore weli xabsiga ayuu ku jiraa, asaga oo wajahaya dacwado macmal iyo marmarsiinyo ah sida khiyaano qaran, gudbin sir qaran, la shaqaynta dawlado shisheeye iyo u gefidda laamaha garsoorka iyo siidaynta kooxo islaamiyiin ah.

Hay’adda Amnesty International waxa ay garsoorka Masar ku tilmaantay mid  “si ba’an u burbursan” iyadoo xukunnada dilka ah ee xukunnadii hore lagula ridey Mursi iyo asxaabtiisa Akhwaanka ku tilmaantay “aarsigii tiirka toogashada.”

Warbixin lasoo saaray Maarso 28, 2018, guddi ka kooban xildhibaanno British ah iyo qareenno caalami ah ayaa xaaladda xabsiga Morsi ku sheegay mid aan lahayn daryeel caafimaad keenina karta inuu dacdarro iyo daranyo ugu dhinto xabsiga.

Madaxtinnimadii Mohamed Mursi ee muddada sanadka ah jirtey ayaa bilowgiiba caqabado ka wajahaysey shacabka oo ku kala qaybsamay kacdoonkii 2011-kii, iyadoo ay u dheerayd xagal daacin kaga imanaysay “cududo qarsoonaa” – oo ay ciidamadu ku jireen oo markii dambe isu kaashaday in xilka laga tuuro “saacaddii ugu dambaysay”.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media