Hal arrin oo uu MW Farmaajo ka baran karo Abiy Axmed

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2019 – Ciidamo Gadoodsan oo Dhawaan soo galey Madaxtooyada Adis Abeba ayaa Raiisul Wasaaraha dalkaasi ee Abiy Axmed inta uu u soo baxay buu yiri

“Marka hore fariista markii ay fariisteen buu la fariistey wuxuu hadana ku yiri jimicsi sameeyay”, markii ay sameeyeenna isna waa la sameeyay oo u dhoolla cadeeyey, islamarkaana la baashaaley.

Kaddib iyagoo faraxsan oo qoslaya, islamarkaana yaabban ayey xeryahoodii ku laabteen, hadde waa Ciidamadii maanta oo dhan laga joogi waayey wuxuu yiri Abiy Axmed.

“Si kasta oo ay u gadoodsanaayeen iyo wax kasta oo ay damacsanaayeen, ciidamada wax ay ku qancaan baan  u sameeyey waana kuwaa xeryahoodii ku laabtey.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Haddaba, MW Farmaajo waxaa la gudboon inuu dejiyo xaaladda ciidamada la sheegayo inay wax tabanayaan, si aan duul kale uga faa’iidaysanin, waana in arrintan loo xalliyaa sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media