”Wejigiin gubay AJAX!!” – Juventus & Ajax oo ay ka tafatay intaanba kulankooda la gaarin! (Maxaa la isku hayaa?)

0

(Torino) 19 Maarso 2019 – Ciro Ferrara iyo Alessio Tacchinardi oo ku guulaystey dufcaddii 1996 ee Champions League ayaa si wada jir ah ugu jawaabey Maareeyaha Kooxda Ajax, David Endt, oo maanta sheegay in Juventus ay final-kaa daroogo isticmaaleen.

Endt oo kooxda Amsterdam u shaqaynayay min 1993-2013 ayaa ciyaarta soo socota ee rubuc-dhamaadka ku sheegay mid ay uga aarsan doonaan kooxda Juve.

“Magaalada Roma, waxaanu kula ciyaarnay kooxda Juventus oo ay markii dambe soo baxday inay daroogaysnaayeen, qofna ma oga dhabta…” ayuu ku yiri Radio Kiss Kiss.

Intaa kaddib waxaa usoo jawaabey dhowr laacib oo ka mid ahaa laacibiintii dhamaadkaa u safnaa Juventus kuwaasoo la hadlay SportMediaset.

“Waan dhegeystey warka oh ninka caan baxay ee David Endt waxaana kaliya dhihi karaa isku xishoo. Wejigaa gubey!” ayuu yiri Tacchinardi.

“Kooxdaasi waxay ahayd mid bilowgii fasalkaba isu dhaarsatay inay gacanta ku dhigaan koobka dhegawayne ee Champions, waana noo suuragashay. Ceeb!” ayuu raaciyay.

Saaxiibkii ay xilligaa isku kooxda ahaayeen ee Ciro Ferrara ayaa ku kaftamay in Endt uu haatan ka dhawaaqay midkii Juve ka caawiyay inay Ajax garaacaan 1996-kii.

“Maalmo yar ka hor final-kii, macallin Louis van Gaal ayaa la waydiiyay cidda qaadaysa Champions League wuxuuna ku war celiyay: ‘Ma ogi, balse koobku dayuuradda ayuu nala soo raaci doonaa.’

“Hagaag, maadaama uu yahay ninka haatan ka mas’uulka ah isgaarsiinta kooxda, waa inuu Endt ogaadaa in warkaasi ahaa midkii na shiday.” ayuu tiri Ferrara.

Hadalsame Media