XOG XIRAN: Imaaraadka & Sucuudiga oo Itoobiya & Eritrea u bandhigay qorshe ka dhan ah Somalia & Jabuuti

0

(Nairobi) 19 Maarso 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin oo badanaa aan la gabbanin halkiisa ku saabsan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaa arrimaha Soomaalida ayaa ka hadlay arrin u muuqata mid qarsoodi ah.

Faarax Macallin ayaa sheegay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ay doonayeen inay dagaal wakaaladeed ka oogaan gobolka Geeska Afrika, taasoo ay markii dambe ku fashilmeen.

Faarax ayaa Twitter kusoo qoray sidatan: Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay isku dayeen inay Itoobiya iyo Eriteriya ka raaridaan dagaal wakaaladeed lagu qaadayo Somalia/Djibouti si ay uga hor tagaan in lasoo saaro gaaska Somalia.”

”Afeworki & Abiy waa diideen yaboohaa lagu qoslo. Waxaan rajaynayaa in dalalka ay daymuhu la degeen ee ciidamada ugu qaaraama Midowga Afrika inay iska jiri doonaan halista qarsan.” ayuu raaciyay.


Hadalsame Media