Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Muqdisho iyo Shabeellada Hoose

0

(Muqdisho/Awdheegle) 19 Maarso 2019 – Hawlgal si wadjir ah gobalka shabeellada hoose ay uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Maraykanka ayaa lagu dilay Seddex xubnood sida la sheegay ka tirsanaa Al-shabaab sida ay faafisay wakaalada wararka SONNA.

Howlgalkaan oo 18-ka bishaan ka dhacay degmadda Awdhiigle ayaa lagu beegsaday Xarun ay Al-shabaab dadka Shacabka ah uga qaadi jireen Lacago sida wararku sheegayaan.

Waxaa la burburiyay goobtaasi xarumihii ururka Al-Shabaab waxaana howlgalkaan si gaar ah u fuliya Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Dhinaca kale howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay labo xubnood sida la sheegay ka mid ahaa Al-Shabaab.

Mid kamid ah Labada xubnood ee lasoo qabtay ayaa ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxdaasi u qaabilsan dilalka Qorsheysan sida la sheegay, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah sida lagu sheegay warbixin laga helay hay’addaha amniga

Shaqsiga labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud ee dalka sida lagu sheegay warbixinta NISA.

Ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan sida wararku sheegayaan Al-shabaab.

Hadalsame Media