Wacaal kasoo kordhay dhanka shilka duuliyihii MW Xigeenka William Ruto (Maxaa la qarinayaa?)

0

(Nairobi) 18 Maarso 2019 – Waxaa weli maaro loo la’yahay wacaalka duuliyihii wadey dayuuraddii halikobtorka ahayd ee ku dhacday harada Lake Turkana horraantii bishan, iyadoo ay qoyskiisu diiddan yihiin in la aaso lafo guban oo loo geeyay oo aan waxa ay yihiin la garanaynin.

Mario Magonga, oo ku caan ahaa magaca Kabtan Mario, ayaa la dhintay 4 Ameerikaan ah, markii ay dayuuradiisu ku burburtay Central Island Maarso 3, taasoo ahayd dayuurad cusub.

“Maydadka afarta Maraykanka ah si wanaagsan baa loo garan karaa, balse way adag tahay in la garto qofka 5-aad oo la yiri waa kabtan Mario,” ayuu yiri Ibraahiim oo ah duuliyaha adeerkiis oo warqad u qoray Danjiraha Maraykanka ee Kenya Kyle McCarter, Maarso 8.

Afarta Maraykanka ah ayaa kala ahaa Anders Asher Jesiah Burke, Brandon Howe Stapper, David Mark Baker, iyo Kyle John Forti, sida ay xaqiijisay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, blase qoyska Capt Mario ayaa loo geeyay lafo guban oo aan sina loo garanaynin, waxaana haraadigiisa qaarkii la sheegay in loo diray Faransiiska si loo baaro kaddib markii uu fahmi waayay Johansen Oduor oo ah dembi baare u shaqeeya dowladda Kenya.

SHAKI JIRA

Waxaa jira shaki baahsan oo ku saabsan sheekada ku qarsoonaan karta arrintan, sida waxa ay qabanayeen afarta Maraykanka ah oo safarkooda siyaasad lala xiriiriyay, sidoo kale sababta isaga kaligii maydkiisa loo suurad bedeley oo ay lafo uun uga hareen, iyo xiriirka ka dhexeeyn kara shilkan iyo siyaasadda Kenyan maadaama uu duuliye u ahaa MW Xigeenka Kenya ee William Ruto.

Waxaa la sheegay in kabtanku uu nebcaa duullimaadyada xilliga habeenkii, haddaba waxaa la raadinayaa qofka ku amray inuu dadka duuliyo xilli habeen ah.

Qof ku dhow qoyska duuliyaha oo is qariyay ayaa sidoo kale su’aal gelinaya nooca ay baaritaanka arrintan u wajahayso dowladda Kenya.

Sidoo kale dayuuradda ayaa la sheegay inay xilligaa kasoo noqonaysay wax lagu sheegay dal deris ah, haddaba maxay siddey maxaa se keenay inay habeen duusho?

Afahyeenka Booliiska Charles Owino ayaa sheegay inuu ka warqabo maydka kabtanka ee maqan, balse uu lasoo laaban doono tafaasiil dheeri ah.

Hadalsame Media