Shacabka iyo Askarta keebaa qaldan markii waddooyinka Muqdisho ay xiran yihiin? Wax badan oo aadan horey u ogeyn!

0

(Muqdisho) 18 Maarso 2019 – Magaalada Muqdisho oo la sheego inay ku nool yihiin dad ku dhow afar Milyan ayaa sidoo kale ah meesha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda maadama ay tahay Caasimadda dalka islamarkaana ay fadhi u tahay dowladda dhexe iyo hay’addaha caalamiga ah. Sidoo kale waxaa Magaalada ku yaala Safaarado shisheeye.

Amaanka Caasimadda ayaa ah mid aan si wanaagsan u saldhigan waxaana ka dhaca dilal iyo qaraxyo kuwaas oo siyaabo kala duwan loo fasiro.

Dilalka loo gaysto dadka aan hubeysnayn waxaa inta badan lagu eedeeyaa ururka Al-Shabaab, hase ahaatee waxaa sidoo kale jira in Ciidamada dowladda iyaguna ay si toos ah iyo si dadban inta badan ugu lug leeyihiin toogashada iyo dilalka micno darrada ah ee ka dhaca Magaalada.

Waqtiyada ugu badan ee Ciidamada dowladda dhibaatada u gaystaan shacabka waa marka ay xiran yihiin waddooyinka caasimadda, xiliyadaas oo Magaalada ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadedd ama in wufuud caalami ah imaanayso caasimadda.

Haddaba yaa qaldan askarta iyo shacabka?

Qaladka shacabka

1. Qofka shacabka ah ee doonaya in isagoo gaarigiisa wata ama saaran Bajaaj islamarkaana caafimaad qaba ka gudbo wada xiran xeelad iyo xoog tay doontaba waxaa uu ku xad gudbay shaqadii askariga waana qayb ka mid ah dhibaatooyinka aan aragnay ee ka dhacaya Caasimadda, waana sababta ugu badan ee dhalisa muranka askariga dariiqa taagan iyo shacabka.

2. Qofka shacabka ah ee inta ku soo dhacay wado xiran, gaarigiisa/Bajaajtiisa baankintay, soo degtay kadibna askarigii wadada taagnaa u tagay, kuna billaabay tuugmo kadibna muran, aflagaado iyo indhacadeys. Taasi waa sabab kale oo keenaysa in dhibaato ka dhex dhacdo askarigii iyo qofkii shacabka ahaa.

3. Qofka shacabka oo isagoo wata gaarigiisa/ Bajaajtiisa doonaya inuu si xoog ah uu wadada ku maro isagoo waliba askarigu leeyahay Istaag, Istaag! Taasina waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan dhalisana in qofka shacabka Xabad dhab lagu dhaho ama la toogto, waana wax aan marar badan aragno.

4. Shacabka qaar kiis oo afka hore ay ka tahay ama diyaarba u ah inay askarta Laaluushaan si ay wadada u maraan. Taasina waa dhibaato kale oo askariga daacadda ah u keenaysa inuu qofkaas ka shakiyo oo sidaasi uu ku dhibaateeyo ama ugu yaraan uu isku dayo inuu xiro kadibna la murmo.

5. Shacabka gaadiidka wata oo been sheega si ay wadada ku maraan. Tusaale iyagoon dad xanuusan wadin ayay sheegayaan inay dad xanuusan wadaan, taasina waxay halis ku tahay dadkii sida dhabta ah u xanuunsanaa oo ay ahayd in wadada aan laga xirin ama si farsameysan loo gudbiyo xiliyada wadooyinku xiran yihiin.

6. Shacabka gaadiidka wata oo aan xushmeynin askarta islamarkaana xiliyada wadooyinku xiran yihiin aan tixgalin askariga iyo sababta ay wadada u xiran tahay. Tusaale ahaan haddii wadada calaamad cas lagu xiro waxay ahayd in qof walba oo gaadiid wata uu dareemo in jidkaas xiran yahay ayna tahay inuu iska laabto isagoon la murmin askarta. Meelaha qaar kood waxaad arkaysaa askari iyo qof shacab ah oo is-feeraya taasina waa dhibaato kale.

               Qaladka Askarta

1. Askarta qaar kood uma muuqdaan kuwa diyaar u ah inay waajibkooda u gutaan si dhab  ah waxaana meelaha qaar kood aad ku arkaysaa inay shacabka qaarna ku adkeynayaan kuwa kalena ka qaadanayaan xoogaa qadaadiic ah ama laaluush dadban kadibna ay u fasaxayaan wadada. Taasi waa cadaalad darro iyo masuuliyad xumo!

2. Askarta qaar kood malahan Asluub iyo Hay’bad ciidan waxaadna arkaysaa in qaar kood iyagoo shaqo ku jira wadada dhexdeeda qaadka isaga cunnayaan. Taasina waxay shacabka tuseysaa in askariga nuucaas ah uusan mudnayn ixtiraam ayna tahay inay ku dhiiradaan inay la murmaan oo ay indhaha ka galaan.

3. Askarta qaar kood waxaa aad uu liita la dhaqankooda Bulshada xiliyada adag oo ay waddooyinku xiran yihiin waxayna shacabka ula dhaqmaan sidii cadawgii iyagoona qoryaha caasha ka galiya. Taasina waxay ka mid tahay dabeecadda ku dhisan xanaaqa badan ee askariga oo ay tahay inuu iska illaaliyo in si fudud looga xanaajiyo.

4. Askarta qaar kood ma ixtiraamaan dadka waaweelka ah iyo kuwa xanuusan ee doonaya in loo naxariisto islamarkaana aan loola dhaqmin sida kuwa caafimaadka qaba xiliyadda gaadiidka dadwaynaha ay ka xiran yihiin waddooyinka. Waa waajib saaran askariga inuu kala fahmi karo shacabkiisa kan liita iyo ka caafimaadka qaba.

5. Askariga oo maranka ay murmaan qofka shacabka, islamarkiiba ay xabadu ka horeyso. Taasi macnaheed waxaa uu yahay in askariga uusan lahayn dulqaad iyo samir islamarkaana u xoog sheeganayo shacbaka isagoo adeegsanaya hubka dowladda iyo Tuutaha uu wato.

6. Wadooyinku uma xirmaan kaliya markii masuuliyiin shisheeye imaanayaan ama dhaqdhaqaaqayo siyaasadeed ka jiraan caasimadda, laakin waxaa ka jira Magaalada ciriiri xagga gaadiidka iyo waddooyika ah. Waxaana qodobkaan uu sidoo kale xiriir la leeyahay dhibaatada shacabka ka soo gaarta dhanka Ciidamada xiliyadaan oo kale. Tusaale waa ay fududahay in askar hubeysan oo gaadiid saaran ay wadada xoog ku furtaan iyagoo adeegsanaya rasaas taasoo dhimasho iyo dhaawac sababta.

Halkaas markay taagan tahay waxaa kuu soo baxaya inaysan jirin wadashaqeyn wanaagsan oo u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada, taasina waxaa sabab u ah dhaqankii dowladnimada oo ka suuley Soomaaliya muddo ka badan 30 sanno. Dowladda ayaase looga baanyahay inay la timaado Hab aan hayn kan hadda ay ku maareyso amniga Magaalada Muqdisho oo ah isku dhex yaac kaasoo haddii uu sii socdo dhaawaci doona qalbiyada shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa Caasimadda.

Allow Sahal Amuuraha

W/Q:  Mohamed Odowa