Xog hordhac ah oo laga helay Sanduuqa Madow ee dayuuraddii dhacday! (Maxaa dhacay?)

0

(Addis Abeba) 18 Maarso 2019 – Xogo hordhac ah oo laga helay dhanka sanduuqa madoow ee dayuuraddii dhacday ee ay lahayd Ethiopian Airlines ayaa muujinaya “inuu shilkani aad ugu egyahay” midkii ka dhacay Indonesia 5 bilood kahor, sida ay sheegtay Wasiiradda Gaadiidka Itoobiya, Dagmawit Moges.

Wasiirradda ayaa sheegtay in ay weli “arrinta baaritaan ku hayaan oo natiijada la heli doono muddo 30 maalmood ah”, she added.

Dayuuradda ayaa la sheegay inay sababsatay khalad ka yimid qalab otomaatik ah oo loogu tala galay miisaanka dayuuradda si aysan sanka kor ama hoos ugu taagin marka ay gaarto joog sare ee lagu xiro hannaanka duuliyaha is wada (autopilot), kaasoo iskii isu amray in dayuuraddu sanka u quusto iyadoo xawaare ba’an ku soconaysana ay dhulka gasho.

Waxaa ku dhintay 157 qof oo saarnaa oo u kala dhashay 35 dal oo dunida ah iyadoo u socotey magaalada Nairobi Maarso 11.

Dalal badan ayaa hawadooda ka mamnuucay dufcadda cusub ee Boeing 737 MAX 8 iyo xitaa MAX 9.

Hadalsame Media