MW Geelle oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho + Sawirro (Maxaa kale oo uu maanta samayn doonaa?)

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo gaarey magaalada Muqdisho oo uu xalay ku hoydey ayaa guda galay howlo ka mid ah kuwa uu u yimid Muqdisho.

MW Jabuuti, Md Geelle, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti, isagoo uu garab taagnaa MW Somalia, Md Farmaajo, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aannu walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Baarlamanka dhexe oo kala ah, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Safaaradda Jabuuti ayaa la sheegay inay dhisme ahaan tahay midda labaad ee ugu wayn safaaradaha Muqdisho, iyadoo ay kaliya ka horreeyso midda Turkiga oo ah tan Afrika oo idil ugu wayn marka la eego safaaradaha Turkiga.

Hadalsame Media