AC MILAN VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Milano) 17 Maarso 2019 – Waxaa caawa ballansan labada camaaliqo ee ciyaaraha Talyaaniga, Yurub iyo caalamka ee AC Milan iyo Inter Milan, kuwaasoo kulankoodu caawa xiise gaar ah leeyahay maadaama ay u hardamayaan boosaska hore.

Dhanka Milan: Macallinka Gattuso ayay safkiisu u dhan yihiin marka laga reebo Bonaventura, balse waxaa booska matoorka khadka dhexe iskula dheggan Bakayoko iyo Biglia, waloow uu ninka hore cad cad yahay. Waxay Milan dheelaysa shaxda 4-3-3, waxaana soo laabtay daafaca Zapata.

Dhanka Inter: Waxaa dhanka Inter Milan ka wada maqan Miranda iyo Joao Mario oo markii hore rajo laga qabey, sidoo Nainggolan. Lautaro Martinez oo shuclada u sidaya weerarka, isagoo nastay kulankii EL oo uu ka ganaaxnaa, Brozovic ayaa isna khadka dhexe ka muuqanaya. Icardi ayaa weli maqan.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 20 ABATE, 33 CALDARA, 17 ZAPATA, 7 CASTILLEJO, 21 BIGLIA, 12 CONTI, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 11 BORINI, 63 CUTRONE
  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 13 RANOCCHIA, 29 DALBERT, 21 CEDRIC, 20 BORJA VALERO, 87 CANDREVA, 11 KEITA

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Bonaventura
  • Vrsaljko, Icardi, Nainggolan, Miranda, Joao Mario

Hadalsame Media