Masaajid ku yaala Magaalada London oo gaari lagu dhuftay iyo jameecadii masjidka oo la aflagaadeeyay!

0

(London) 17 Maarso 2019 – Wararka laga helayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in nin sida la shageeyo cabsanaa uu gaari uu watay ku dhuftay albaabka Masjidka ku yaal xaafadda Queensland, kadibna uu aflagaadeeyay Jameecadii ku jirtay gudaha Masjidka.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ruuxa weerarkaasi gaystay kaasoo da’aadiisa lagu sheegay 23 sanno jir.

Shilkaan ayaa ka dhacay banaanka Masjidka Baytul Masruur ee deegaanka Stockleig xalay fiidkii sida ay sheegeen Booliska. Ma jirto cid wax ku noqotay shilkaana waxaana Booliska ay sheegeen inay su’aalo waydiinayaan ruuxa ka dambeeyay dhacdadaan.

Ninkaan oo cabsanaa ayaa la sheegay in si xowli uu ku waday gaarigiisa islamarkaana uu hadba wado ku dhacayay isagoona markii dambe si toos ah u soo abaaray Masjidka shilku ka dhacay halkaas oo dadkii ku tukanayay uu aflagaado xun ugu gaystay kadib markii uu gaariga ku duftay albaabka Masjidka.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmaysa labo maalin uun kadib markii Argagixiye hubeysan weerar ku qaaday labo Masjid oo ku taala New Zealand halkaas oo si bahalnimo uu ugu laayay Muslimiin gaarayay 50 qof kuwaas oo ay ku jireen carruur aad u yar yar.

Laakin afhayeen u hadlay Masjid shilku ka dhacay ee Magaalada London ayaa meesha ka saaray in shilkii xalay xiriir la leeyahay weerarkii ka dhacay New Zealand ee lagu dilay Muslimiin badan kuwa kalena lagu dhaawacay.

Hadalsame Media