Magdhow lacageed oo la siinayo dadkii eheladoodu ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

0

(Addis Ababa) 17 Maarso 2019 – Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in lacago fara badan oo magdhow ah ay heli doonaan qoysaska ehelkoodii ku waayay shilkii diyaaradeed ee maalmo ka hor ka dhacay dalka Itoobiya halkaas oo ay ku naf waayeen in ka badan 157 ruux.

Shilkaan oo ahaa mid naxdin badan ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa lix ruux oo Soomaali ah kuwaas oo qaar kood haystay baasaboorada dalal shisheeye.

Ehelada dadkii ku dhintay shilkaasi oo u badnaa dad ka soo jeeda Kenya ayaa sheegay in loo balan qaaday in la siin doono aduun lacageed oo magdhow ah waxaana lacagtaasi qiyaastii u dhaxeysaa $170,000 — $ 250,000….. Boqol iyo todobaatan kun oo doolar, illaa iyo labo boqol iyo konton kun oo doolar.

Magdhowgaan waxaa uu ku xirnaan doonaa iyadoo la eegaya cimriga, xirfada iyo heerka nolosha uu ka joogay qof walba oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay shilkaasi, taasoo noqon doonta jaan-goynta rasmiga ah ee Magdhowga la qorsheeyay.

Saraakiil ka tirsan Itoobiya oo kulamo albaabadu u xirnaayeen ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ayaa iska diiday inay bixiyaan wax macluumaad ah oo la xiriira cadadka lacagta magdhowga ah hase ahaatee waxay sheegeen inay ku jaan goyn doonaan heerarka caalamiga ah.

Dadka ku dhintay shilkaasi diyaaradeed waxaa ka mid ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaarayay lix ruux waxaana illaa hadda kala cadeyn haddii ay heli doonaan magdhowga lacageed ee la qorsheynayo.

Hadalsame Media