Amniga caasimadda maa is kale lagu sugo iyadoon waddooyinka nagula xakaarin? Shacabka Muqdisho oo fariin u diray dowladda!

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2019 – Maalintii labaad ayay shacabka Muqdisho intooda badan waxay maalayaan lugtooda si ay u tiigsadaan goobahooda tacliinta, ganacsiga iyo nolol maalmeedkooda caadiga ah, waxaana taasi ay ka dambeysay kadib markii la xiray inta badan wadooyinka muhiimka ee Magaalada.

Wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho waana sababta ay u xiran yihiin wadooyinka caasimadda ee ugu muhiimsanaa ganacsiga iyo isku socodka dadwaynaha.

Inkastoo ay dadka reer Muqdisho la qabsadeen jidadka xiran xiliyada ay imaanayaan madaxda caalamka iyo sidoo kale xiliyada madaxda dowladda Soomaaliya dhaqdhaqaaqyo ka sameynayaan gudaha Magaalada ayay haddana tallaabooyinkaani noqdeen kuwa niyad jabiya shacabka.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya islamarkaana su’aalo badan iska weydiinaya xirnaashaha magaaalada ee maalintii labaad, waxaana arintan cabasho weyn ka keenay dadka ku shaqeysata gaadiidka dadwaynaha ee BLka iyo Bajaajta loo yaqaano.

Hay’addaha amniga ayaa saakay mar kale gaadiidka dadwaynaha ka mamnuucay waddooyinka ku dhow dhow jidka Maka Al- Mukarama waxaana arrintaasi cabasho ka muujiyay shacabka oo ay sheegay in amniga iyadoo la sugayo haddana aysan sax ahayn in shacabka la xakaariyo.

Qof ka mid ah dadka Magaalada ayaa u sheegay Hadalsame Media in Magaalada Muqdisho maalintii labaad la ogoleyn dhaqdhaqaaqa guud ahaanba gaadiidka dadweynaha marka laga soo tago gaadiidka dagaalka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

Tallaabooyinka hay’addaha amniga ayaa inkastoo ay wax badan ka qabteen adkeynta amniga masuuliyiinta dowladda iyo kuwa caalamiga waxaan dhinaca kale waxba la iska waydiin dhibaatada shacabka ka soo gaaraysa xirnaanshaha wadooyinka.

Hadalsame Media