DAAWO: Wiil yar oo UKUN ku bajiyay madaxa siyaasi shalay ku jeesjeesay dadkii lagu laayay NZ + Sawirro

0

(Canberra) 16 Maarso 2019 – Senatarka xag-jirka ah ee Fraser Anning ayaa weerar afka ah ku qaaday gayfanayaan dhanka bidix ah kaddib markii uu wiil 17-jir ihi madaxiida ukun ku jebiyay.

Shilkan ayaa dhacay isla maanta, iyadoo la ururinayo saxiixyo lagu codsanayo in ninkan xilka laga qaado, kuwaasoo haatan sii caga cagaynaya 225,000 oo saxiix.

Mr Anning ayaa markii ukunta lagu bajiyay isku dayaya inuu gacan ula tago wiilka yar oo ay markiiba qabanayaan dadkii goobta joogey, wuxuuna xitaa ku dhufanayaa ugu yaraan 2 feer.

Mr Anning ayaa Jimcihii soo qoray hadal jees jees ah oo uu kula diganayo dadkii lagu laayay masaajidda Christchurch, isagoo qiil ka dhigay ‘in Muslimiinta kusoo badanaysa’ New Zealand ay sabab u yihiin weerarkaa argagixiso – ee lagu diley 49 qof.

Hadalsame Media