BAABI’INTA BAANJADA: Booliiska Thailand oo loo bilaabay barnaamij lagu dagaallamayo buurnida + Sawirro

0

(Pak Chong) 17 Maarso 2019 – Askarta buur buuran ee Booliiska Thailand ayaa loo bilaabay tababar culays dhimis ah, kaasoo qayb ka ah qorshe qaran oo loogu magac daray ”Baabi’inta baanjada (Belly Destruction).”

Kaddib markii uu guul ku dhamaaday qorshe laba todobaad soconayay oo tijaabo ahaa, waxay saldhigyada ciidamada booliiska ee Thailand bilaabeen inay askartooda buuran u diraan Dugsiga Carbiska ah ee Central Police Training Center oo ku yaalla magaalada Pak Chong.

Askarta halkaa loo diro, waxaa la siinayaa tababarro adag oo looga gol leeyahay in lagu dhimo xajmiga baruurta calooshooda, iyadoo uu saldhig kasta soo dirsanayo 2-3 askari oo la marinayo layliyo, baaskiillo ay wedayaan, iyagoo dabaqayo hab nololeed caafimaadka u roon, sida iyagoo cunaya raashin barotiinka hodon ku ah, balse aan dux badnayn.

Barnaamijkan Belly Destruction ayaa haatan aad looga hadal hayaa dalkaasi, iyadoo baraha bulshadu lagu faafinayo sawirrada askarta halkaa loo diray.

Hadalsame Media