Gabar yar oo ay dhashay Ilhaan Cumar oo ku joogta jidkii hooyadeed (Dhaqdhaqaaq caalami ah oo ay bilowday)

0

(Minneapolis) 17 Maarso 2019 – Gabar ay dhashay Ilhan Omar ayaa u ololeeynaysa mid ka mid ah siyaasadaha ugu kulul ee dhanka cilimada Maraykanka, jeer dalka Somalia oo ah halka ay hooyadeed ka timid ay tahay meel aad looga dareemayo isbeddelka cimilada adduunka.

“Kaliya ma aha in aanu soo saarno qaraarro, balse waa in aannu sidoo kale dood dhab ah arrintan ka furnaa,” ayay Omar dhowaan u sheegtay idaacadda dadwaynaha ee Minnesota Public Radio.

Balse Omar oo qura maaha qofka u taagan arrimaha degaanka ee xubin ka ah qoyskeeda — gabadheeda Isra Hirsi, 16 jir, waxay ka mid ah 3 hoggaamiye oo da’yar oo Jimcaha horseed ka ah barnaamij howl joojin ah oo ay sameeynayaan dhallinyaro caalamka kala joogta.

Barnaamijkan oo la yiraahdo International Youth Climate Strike, waxay ardaydu ka bixi doonaan fasalladooda jeer ay casharradu socdaan, si ay sabab ugu noqdaan in tillaabooyin deg deg ah laga qaado arrimaha cimilada la xiriira oo aad looga gaabinayo.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay taageersan tahay qorshahan ay ka qayb qaadanayso gabadheeda yar, iyadoo quud darraynaysa in xubnaha kale ee Koongaraysku ay kusoo biiri doonaan howl joojintan.

“Waa inaan dhegeysannaa xikmadda carruurteenna!” ayay tiri Cumar.

Hadalsame Media