Geelle oo ka dagay Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoona uu soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulan dhexmari doona labada Madaxwayne ayaa la sheegayaa inuu ka dhici doono xarunta Madaxtooyada Soomaaliya saacadaha soo socda.

Amaanka caasimadda ayaa si weyn saakay loo adkeeyay waxaana la arkayay ciidamo dheeraad ah oo wadooyinka muhiimka ah la dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu joogo Magaalada Muqdsho uu Madaxwayne Geelle booqan doono goobo mashariic ay waday dowladdiisa oo ay ka mid ah tahay dib u dhis lagu sameynayay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqan doono Magaalada Beledwayne xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada sida dhow Soomaaliya u garab istaagay xiliyadii adkaa waxaana reer Jabuuti gudaha Soomaaliya looga yaqaan Hiil Walaal.

Hadalsame Media