Madaxwayne Trump oo hoos u dhigay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiinta! (Saxaafadda Maraykanka oo ku shidday)

0
President Donald Trump walks on the South Lawn upon arrival at the White House in Washington, Saturday, Jan. 19, 2019, after attending the casualty return at Dover Air Force Base, Del., for the four Americans killed in a suicide bomb attack in Syria. (AP Photo/Manuel Balce Ceneta)

(Washington) 16 Maarso 2019 – Warbaahinta Maraykanka ayaa si weyn u faaqiday hadalka Madaxwaynaha dalkaasi Donald Trump kaasoo si layaab leh oo Hoose uga hadlay weerarkii ka dhacay New Zealand ee lagu xasuuqay Muslimiin ku dhow 50 qof oo aan waxba galabsan.

Trump oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay siyaasiinta reer galbeedka ee xagjir ah islamarkaana ka tirsan qolooyinka aamisan mabda Midigta Fog ayaa sheegay in weerarkaan ay ka dambeeyaan sida uu yiri koox cadaan ah oo aamisan wadanimo sida uu yiri.

Habayaraatee Donald Trump ayaan adeegsan Kalmada Argagixiso isagoona weerarkaan ku tilmaamay mid la xiriira afkaar ku dhisan wadaniyad sida uu yiri. Hadalkiisa ayaa saxaafadda Maraykanka waxay sheegeen inuu marqaati ka yahay sida Donald Trump ay ugu fogaatay Islaam Naceybka.

Warbaahinta ayaa sheegtay in xitaa Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uusan Muslimiinta Maraykanka uga tacsiyeynin dhibaatada ka dhacday dalka New Zealand, taasiina ay calaamad su’aal galinayso mawqafkiisa oo la rumeysan inuu ka mid yahay dadka aamisan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Muslimiinta oo ay wadaan kooxaha xagjirka cadaanka ah ee Midigta Fog.

Trump oo inkastoo uu luuqad jilicsan ku cambaareeyay weeerarka lagu xasuuqay Muslmiiinta waxaa sidoo kale uu sheegay in maamulkiisa uu ka xun yahay in la weeraro goobo cibaado oo uu ula jeeday Masaajidada la weeraray.

Hadalsame Media

Facebook Comments