DIIRAD DUWAN: Saxaafadda Galbeedka oo isku dayaysa inay u ceeb qariso argigixiye Tarrant (Fal-celin kulul oo ka dhalatay)

0

(London) 16 Maarso 2019 – Dadka isticmaala Baraha Bulshada ayaa cambaarayn dusha uga tuuray qaabka ay warbaahinta reer Galbeedku iskugu dayeen inay ”insaanka ugu soo daraan” ninkii weerarka ka gaystey masaajidda Christchurch ee New Zealand halkaasoo uu ku waxyeelleeyay dad kor u dhaafaya 100 qof.

Guud ahaan Muslimiinta iyo dadka liberaalka ah ayaa aad u dhaliilay qaabka ay saxaafadda Galbeedku xitaa ugu magac bixinaysay arrintan, iyagoo bilowgii ka meer meeray inay ninkan ku tilmaamaan argagixiso, markii dambe oo ay qaarkood sidaa yeeleenna, waxay u dhexeeyeen mar ay argagixiso ku tilmaamayaan iyo mar ay ku sheegayaan ”qorile, toogte ama weerar.”

Warqaadka facshariga ah ee Daily Mirror ee dalka Ingiriiska ayaa soo qaatay cinwaan wayn isagoo si kasta iskugu dayaya inuu wanaag ka baarbaaro bahalkii shalay dadka ku laayay masaajidda NZ, wuxuu ku qoray: “Wiil yar oo malaa’iki ah oo isu bedeley midigta fog iyo dilaha dad badan.”

Wargayskan British-ka ah ee Daily Mirror, ayaa soo qaatay sawirka Tarrant oo la sido 1990-kii, isagoo ku sheegay “la jecloow dadaal badan oo tababarro bilaash ah siin jirey carruurta”.

Wargayska midigta u janjeera ee aan qarsan nacaybka dadka tirada yar, gaar ahaan Muslimiinta ee Daily Mail ayaa isna sameeyay cinwaan uu diiradda ku saarayo timaha cad ee ninka weerarka gaystey isagoo u abtirinaya halka uu kasoo jeedo, taasoo ah isla farriintii uu Tarrant doonayay inuu diro, sida isagoo ah nin u kacay badbaadinta dadka cad iyo inuu yahay nin aan xumayn caadiyan, balse lagu dirqiyay falkiisa.

Wuxuu xitaa soo xigtey ayeeyadiis oo sheegtay inay la yaabban tahay waxa dhacay iyadoo Tarrant ku tilmaantay ”wiil wanaagsan”.

Sida Daily Mirror iyo Daily Mail, dhowr warqaad oo Australian ah ayaa diiradda si ula kac ah ula aadey Tarrant, halkii ay ka hadli lahaayeen dhibaatada aan dhiganka lahayn ee uu gaystey, sida inuu toos u tebinayay isagoo laynaya dad iska cibaadaysanaya, waxayna soo qaateen muuqaallo ay kasoo qaateen kuwii uu ninkani tebiyay, tiiyoo ay taa ka digeen booliiska New Zealand iyo Australian.

Wejiga hore ee West Australian ayaa lagu qoray cinwaan Tarrant ku tilmaamaya: “Nin cad oo iska caadi ah, 28-jir Australian ah, oo ka dhashay dabaqadda shaqaysa ee dakhliga yar”, isagoo raaciyay tweet ay haatan tireen oo uu lahaa tifaftiraha sare ee wargayskaasi Anthony De Ceglie, sida lagu qoray The Guardian.

Si la mid ah, jariidadda Australian Courier Mail ayaa ninkaa dad qalka ah ku sheegtay “shaqaale waalan”, halka Herald Sun uu boggiisa sare ku dhigay: “Xasuuqihii Livestream-ka”.

Ninkan oo isla maanta lasoo taagey Maxkamadda Degmada Christchurch District Court isagoo kaba la’aan ah, jeebbaysan, dilna ku eedaysan, ayaan wax shalllaay ah muujinin, isla markaana aan wax cafis ah ka dalbanin maxkamadda, wuxuuna gacanta ka muujinayay calaamadda OK oo ay adeegsadaan kooxaha cunsuriga ah ee caalamka ka jira. Maxkamadda xigta waa 5-ta Abriil.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa wargayskaa caadifiga ah ee dilaaga iyo argagixisada u garaabaya galaaftay weerar ay dhan walba kaga soo qaadeen dad kala duwan oo uu ku jiro weriyaha Ingiriiska ah ee Owen Jones oo ku dhaliilay sida ay iskugu dayeen inay diiradda dhan kale uga duwaan ninkan oo uu ku tilmaamay waxa uu yahay oo ah “argagixiye”.

Hoos ka eeg farriimaha eedda ah ee laga sameeyay…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media