Australia oo FIISE u diiddey cunsuriga wayn ee Milo Yiannopoulos (Jawaab aflagaaddo ah oo uu ka bixiyay xasuuqii shalay)

0

(Canberra) 16 Maarso 2019 – Australia ayaa FIISE u diiddey gayfanaha midigta fog ee Milo Yiannopoulos kaddib markii uu jees jees uga jawaabey weerarkii lagu qaaday Muslimiinta New Zealand isagoo Islaamka ku tilmaamay “cawaan cir ka soo dhac ah.”

“Milo Yiannopoulos looma ogolaan doono soo gelitaanka Australia oo uu sanadkan soo booqan lahaa,” ayuu hoosta ka xarriiqay Wasiirka Socdaalka DF, David Coleman oo war soo saaray.

“Faallada Mr Yiannopoulos’ uu mariyay baraha bulshada ee uu kaga hadlay weerarkii argagixiso ee Christchurch waa mid laga xumaado oo baahinaysa nacayb iyo qaybsanaan,” ayuu raaciyay.

Warbaahinta maxalliga ah ee Australia ayaa werinaysa in RW Scott Morrison uu horraanba go’aankan fiise diidka gaarey bilowgii Maarso, balse uu bedeley kagadaal markii ay dood ka keeneen muxaafidiin ku jira xisbiga xukunka haya ee Liberal Party.

Yiannopoulos ayaa Facebook soo dhigay faallo jees jees ah oo uu dowladda New Zealand ku eedeeynayo inay iyadu sabab u tahay xasuuqa dhacay maadaama ay aad u gardaadinayso wax uu ku sheegay “dhaqamo iyo diimo cawaan ah.”

Hadalsame Media