Musuq warqadaha ka muuqda oo lagasoo sheegay garoonka dayuuradaha Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Maarso 2019 – Warar kasoo baxaya dhanka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka jiro musuq aan xitaa qarsoonayn.

Waxaa nasoo gaaraysa warbixinno ku saabsan in aan la diiwaan gelin qaar ka mid ah khidmooyinka laga qaado dadka kasoo degaya garoonka Aadan Cadde.

Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in dadka sita baasaboorrada shisheeye oo dabcan Soomaali u badan qofkiiba laga qaado khidmo dhan 60 doollar.

Yeelkeede, waxaa boonada xisaab celinta ah ka muuqata 42 doollar oo qura, iyadoo la is waydiinaya cidda qaadata 18-ka kale ee aan la diiwaan gelin iyo waxa ay ku qabato, iyadoo haddii ay arrintani xaqiiqo tahay ay muujinayso musuq muuqda, waloow ay warkan nasoo gaarsiiyeen dad badan oo garoonka ka degey.

Dowladda iminka ka talisa Somalia ayaa aad u adeegsata hal ku dhegyo ku aaddan inay la dagaallanto musuqa iyo is wax is daba marinta, iyadoo beri dhowayd ay soo baxaysay in wasiirro ka tirsan DF Somalia ay bixiyaan qandaraasyo qaraaba kiil ah.

Hadalsame Media