XOG QOTO DHEER: Maxaa ku qornaa qoryihii uu watey ninkii masjidyada weeraray (Qaybtii 2-aad)

0

(Christchurch) 16 Maarso 2019 – Cunsuriga Australian-ka ah ee Brenton Tarrant, 28 jir, ee saaka laayay dad Muslimiin ah oo uu ka diley 48 qofood isla markaana ka dhaawacay ku dhowaad 50 kale, ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha xag-jirka ah ee sinji u dirirka ah ee caddaanka ah.

Argagixiyaha Tarrant ayaa dhankiisa laga helay farriin ka badan bayaan 74 bog ah oo uu qoray weerarka ka hor, waxaana haatan soo baxaysa in farta qoryihiisa ku xardhani ay u taagan tahay taariikho ay horay u dagaallameen Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, sida dagaallo ay la galeen Khilaafadii Cusmaaniyiinta iyo magacyada rag uu u arko halyeeyo, kuwaasoo ay magacyadoodu ku xardhanaayeen xitaa khasnadaha qorigiisa.

MAXAA KA MID AH WAXYAABAHA QORYIHIISA KU QORNAA?

1. For Rotherham – Wuxuu ula jeedaa fadeexo ay ku lug lahaayeen rag Pakistani ahaa oo ka dhacday magaalada yar ee Rotherham, England, kuwaasoo la sheegay inay hablaha yar yar ee baylahda ah ee British-ka muddo dheer jinsi ahaan ugu tacadinayeen.

2. Alexandre Bissonnette – Waa ninkii weeraray masjid ku yaalla gobolka Quebec, Canada, bishii Jannaayo 2017, halkaasoo ay ku dhinteen 6 ka mid ah jamaacada, 19 kalena ay ku dhaawacmeen. Bissonnette waxaa lagu xukumay xabsi daa’in

3. Luca Traini – Wuxuu ahaa xag-jir Talyaani ah oo xabadeeyay 6 qof oo Afrikaan ah magaalada Macerata in Febraayo 2017. Waxaa la qabtay isagoo samaynaya salaantii gacan taagga ahayd ee Hitler, isla markaana isku duubay calanka Talyaaniga, waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah waloow uu raalli gelin ka bixiyay falkiisa.

4. Battle of Kagul 1770 – Waa dagaalkii Ruushka iyo Turkiga, 1768-1774, waxaa warbixintan ku qoran in dagaalkaasi uu dhex maray 40,000 oo Ruush ah iyo 75,000 oo Cusmaaniyiin ah, waxaana adkaaday Ruushka oo ay ka dhinteen 1,000 askari, halka ay 20,000 Turkiga ka dhinteen

5. Bajo Pivljanin – Wuxuu ku hoos dhashay xukunkii Cusmaaniyiinta, balse wuxuu u wareegey dhanka Venetia oo Cusmaaniyiinta la dagaallantay 1645-1669, waxaana lagu diley isla dagaalkaas

6. Battle of Bulair, 1913 – Waa dagaal dhex maray Bulgaariya iyo Turkiga oo doonayay inuu furto go’doomin lagu sameeyay qalcadohooda, kaasoo ay ku guulaysteen Bulgaariyaanka oo kumannaan askari oo Turki ah diley, sida ku qoran warbixintan

7. Prince Fruzhin – Wuxuu ahaa Bulgarian la dagaallamay Cusmaaniyiinta, wuxuuna shariif (Noble) ka ahaa Boqortooyadii Labaad ee Bulgaria.

8. Sebastiano Venier – Doge of Venice wuxuu ka qayb qaatay Dagaalkii 4-aad ee Cusmaaniyiinta iyo Venetia-dii hore 1570-1573 (Waa gobol maanta ka mid ah Talyaaniga). Isagoo hoggaaminayay isbahaysi Masiixi ah wuxuu Turkiga uga adkaaday Dagaalkii Lepanto

9. Shipka pass – Wuxuu ula jeedaa dagaal dhexsaday Ruushka iyo Cusmaaniyiinta 1877-1878. Bishii Agoosto 1877, koox 5,000 oo Bulgarian ah iyo 2,500 oo Ruush ah ayaa ka adkaaday 40,000 oo Turkish ah, waa sida uu qorayo Daily Mail.

10. Novak Vujosevic – Wuxuu ka qayb galay Dagaalkii Fundina oo ay jamhuuriyadda yar ee Montenegro la gashay Turkigii Cusmaaniyiinta. Wuxuu dagaalkaa ku diley 28 qof isagoo markii dambe abaal marin ka helay boqorkii Ruushka ee xilligaas.

FG: Wax kasta oo halkan ku qoran, ku liq qaddar cusbo ah, waayo ma hubno inay wax u dheceen sida uu u qorayo Daily Mail

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media