”Wixii aad dhagax dhigtaan ka dhabeeya!” – Axmed Madoobe oo u dhiibey DF & Khayrre oo u jawaabey + Sawirro

0

(Kismaayo) 14 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka khudbeeynayay munaasabad uu sidoo kale goobjoog ka ahaa RW Somalia ee Xasan C Khayrre ayaa u qanjiiriyey DF Somalia.

Axmed Madoobe ayaa DF Somalia usoo jeediyay inay dhistaan xarumo ay iyagu iska leeyihiin oo ay ku yeeshaan Jubbaland kuwaasoo ka kooban hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe iyo xitaa Madaxtooyo.

Wuxuu kaloo uu markale ku celiyey arrin uu horay u soo jeediyay oo ah in wax laga bedelo Madaxwaynaha ay wada sheeganayaan maamullada iyo dowladda dhexe oo weliba dastuurka lagu xuso wixii lagu heshiiyo.

”Fadlan wixii aad dhagax dhigtaan ka dhabeeya” ayuu yiri Axmed Madoobe oo DF Somalia u qarinaya arrin lagu xanto oo ah inay dhagax dhigto mashaariic afka ah oo aan hirgelin.

RW Somalia ee Xasan C Khayrre oo ka daba hadlay Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka soo dhoweeyay ay yihiin qayb ka mid ah Somalia ee aanu imanin dal kale, isagoo shacabka Jubbaland ku casuumey inay la xisaabtamaan DF Somalia, isagoo u muuqda mid si dadban uga jawaabaya eedda Axmed Madoobe.

Wuxuu kaloo Khayrre muujiyay inay ilaa xad dhameeyeen madmadowgii ku dhex jirey DF Somalia iyo maamulka Jubbaland, isagoo sheegay inuu Axmed Madoobe dhowaan tegi doono magaalada Muqdisho.

”Hadalka Axmed ayaad ka fahmi kartaan in wax la xalliyey, wixii harsanna waa la dhamayn doonaa,” ayuu yiri Khayrre oo beryahan booqasho ku joogey magaalada Kismaayo oo ah caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Hadalsame Media