Krzysztof Piatek oo ka hadlay kooxdii & laacibiintii uu taageeri jirey carruurnimadiisii

0

(Milano) 14 Maarso 2019 – Qannaaska AC Milan ee Krzysztof Piatek ayaa qirtay inuu ahaa taageere Arsenal markii uu carruurta ahaa, isagoo sheegay inuu la dhacsanaa halyeeyo ay ku jiraan Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp.

Piatek ayaa ah laacib wax yar uun laga yaqaanney kahor kusoo biiritaankiisii Genoa oo uu uga sii wareegey kooxda AC Milan, isagoo fasalkan oo ah sanadkiisii 1-aad ee Serie A ka dhaliyey 19 gool, horyaalka oo aan weli dhamaanin.

Yeelkeede, 23-jirkan ayaa Tuttosport sidan u qirtay: “Waxaan ahaa taageere Arsenal markii aan korayey. Waxaan jeclaa qaab ciyaareedka Wenger, waxaan kaloo u riyaaqsanaa Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp.”

Piatek ayaa sidoo kale sheegay in habka uu u dabbaal dego ee u keenay magaca ‘Il Pistolero’ uu yahay mid iskaga soo dhacay uun markii uu Genoa u dhaliyey goolkiisii 1-aad kaddibna uu halkaa kasii amba qaaday.

Hadalsame Media