DHACDO UGUB AH: Gabar yar oo dacwad ku oogtey nin KHASAB ku guursadey! (Dhegeyso)

0

(Laas Caanood) 14 Maarso 2019 – Arrin ugub ah oo aad loo hadal hayo ayaa ka dhacday magaalad Laas Caanood ee looga arrimiyo bobolka Sool, taasoo ku saabsan gabar yar oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Aadan oo 14-jir ah oo Maxkamada Degmada la tiigsatey nin uu aabeheed si jujuub ah ugu guuriyey.

Gabadha yar ayaa maxkamadda loo sheegay inuu gabadhan yar guursadey 2015, goortaasoo ay 11-jir uun ahayd, iyadoo uu ninku 30-jir ahaa, taasoo keentay inay gabadha yari u baxsato magaalada Hargeysa.

Yeelkeede, Xaawa Cabdi Aadan oo iminka 14-jir ah ayaa la sheegay inay 23-kii Bishii tagtay ee Febraayo ay ku dhiirratey inay ninkaa ka dacwayso Maxkamadda Degmada Laas Caanood, iyadoo ashtako ka ah ninkaa wayn ee khasabka loogu daray, waxaanay maxkamaddu maanta go’aamisey in gabadhan oo lagu Magacaabo Iftin Cabdi Aadan laga furo ninkaasi.

Wariyaha VOA-da Cabdikariim Olol ayaa kiiskan iyo go’aanka maxkamadda ka wareystay gudoomiyaha maxkamada degamada Laascaanood Xasan Maxamuud Warsame.

Hadalsame Media