Qadar oo keentay hindise ah inay dalal kale la marti geliyaan Koobka Adduunka 2022 (Kulan berri dhacaya)

0

(Dooxa) 14 Maarso 2019 – Saraakiil Qadari ayaa hoggaanka FIFA berritoole oo Jimce ah kula kulmi doona magaalada Miami si ay ugala arrinsadaan hindise cusub oo ay wadaan oo ah in la ballaariyo marti gelinta Koobka Adduunka 2022, sida ay qoreeyso Reuters.

Golaha Dhexe ee FIFA ayaa eegaya in tirada dalalka ka qayb qaadanaya Koobka Adduunka isla dufcadda xigtaba la ballaariyo oo laga dhigo 48-koox, halkii ay ka ahaan lahayd 32-xul, taasoo lagu bilaabi karo KA2022.

Qadar ayaa la sheegay inay iyaduna markaa doonayso in la ballaariyo marti gelinta, iyadoo codsan doonta inay tartanka la marti geliyaan Cumaan iyo Kuwayt oo ah labada dal ee qura ee ay saaxiib kala tahay Khaliijka.

Mar uu la hadlayay hilin ciyaareedka BeInSport, Nasser Al-Khater, oo ah Agaasimaha Guud ee 2022 World Cup ee lagu qabanayo Qadar, wuxuu sheegay in go’aan kasta oo isbeddel keeni kara ay si wada jir ah uga wada tashan doonaan iyaga iyo FIFA.

Dufcadda KA2026 ayaa waxaa isla marti gelinaya dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico, kaasoo si rasmi ah u noqon doona 48-xul.

Hadalsame Media