SIR CULUS: MBS oo isku dayay inuu aabbihii AFGEMBIYO & labadooda oo aan hadda isku fiicnayn! (Maxaa dhacay?)

0

(Riyaad) 14 Maarso 2019 – Boqor Salman Bin Abdulaziz ayaa caqabad kursigiisa ku aaddan wajahaya, cid kalena uga iman maysee waa wiilkiisa Mohammed Bin Salman, sida uu qorayo warqaadka Guardian.

Wargayskan ayaa sida xog ku aaddan in lasoo weriyay inay jiraan tillaabooyin uu qaaday MBS, taasoo soo dedejinaysa walaac amaan oo ku hareeraysan dadka boqorka ilaaliya.

Isagoo soo xiganaya ilo hoose, wuxuu the Guardian werinayaa in ay xiisadduu sii darsatay dabayaaqadii Febraayo markii uu 83-jirkani booqday Masar, markaasoo ay la taliyeyaashiisu uga digeen tillaabooyin isaga ka dhan ah.

Waxay taasi keentay in Boqor Salmaan uu Wasiirka Gudaha ku amro inuu usoo diro 30 ilaalo ah oo uu isagu gacantiisa kusoo xulay, kuwaasoo loo duuliyay Masar si loogu bedeley kooxdii markii hore loo saaray amaanka Boqorka.

Wargayska Guardian ayaa intaa raaciyay in ay taasi jawaab u ahayd fashilinta qorshe u degsanaa kooxdii hore, taasoo loo badiyay inay daacad u yihiin Boqorka wiilkiisa, ahna dhaxal suge daaqadda kasoo galay MBS.

MBS oo loo arko ninka sida dadban haatan u xukuma Sucuudiga ayuu aabihii qaab muran dhaliyay ugu magacaabay xilka dhaxal sugaha, isagoo afgembi qaboow ku tuuray wiilka uu adeerka u yahay ee dhaxalka xaqa u lahaa ee Muhammad Bin Nayef, taasoo ka dhigan inuu abeeso koriyay.

DILDILLAAC MUUQDAY!

Boqor Salmaan ayaan wiilkiisa kusoo darin dadkii kusoo dhoweeynayay magaalada Riyaad, markii uu kasoo noqday dalka Masar.

Yeelkeede, MBS ayaa intii uu aabihii maqnaa laba xil oo deg deg ah ka gaarsiiyay, isagoo danjire u magacaabay haweenaydii ugu horreeysey ee xil noocaasi ah loo dhiibo oo ah Amiiro Reema Bint Bandar Bin Sultan, halka uu walaalkii ay isku hooyo iyo aabbe yihiin ee Khalid Bin Salman, uu u dhiibtey Wasaaradda Gaashaandhigga.

Hadalsame Media