Xog kasta oo aad uga baahan tahay xagga isku aadka rubuc-dhamaadka CL

0

(Nyon) 14 Maarso 2019 – Waxaa berri oo Jimce la sameeynayaa isku aadka rubuc-dhamaadka UEFA Champions League, oo ay sanadkan muddo kaddib ay wada taagan yihiin 4 kooxood oo wada EPL ah, iyado 4 kale oo kala metelaya Spain, Italy, Holland iyo Portugal.

Waa kuwee kooxaha berri loo quri tuurayo?

Ajax (NED)
Barcelona (ESP)
Juventus (ITA)
Liverpool (ENG)
Manchester City (ENG)
Manchester United (ENG)
Porto (POR)
Tottenham Hotspur (ENG)

Sidee u shaqeeyaa hab-raaca isku aadku?

Ma jirto dheriyayn ama dal lakala ilaalinayo, waloow wixii cusub lagu dhawaaqi doono in yar kahor isku aad samaynta, tusaale ahaan waxaa isku dhici kara kooxaha EPL, sidoo kale waxaa dhacda inay kala weecdaan.

Waxaa sidoo kale jiri doona isku aadyo u gaar ah nus-dhamaadka oo dhacaya markii lagu kala boxo wareeggan siddeed-dhamaadka.

Goorma ayaa ciyaaraha wareeggan la dheeli doonaa?

9/10 Abriil: Rubuc-dhamaadka, lugta hore
16/17 Abriil: Rubuc-dhamaadka, lugta labaad
30 Abriil/1 Maajo: Nus-dhamaadka, lugta hore
7/8 Maajo: Nus-dhamaadka, lugta labaad

DHAMAADKA

Sabti 1 Juun: Final – Estadio Metropolitano, Madrid

Ciyaarahan harsan oo idil ayaa la wada dheeli doonaa saacadda 21:00CET. Wixii lagu kordhinayo waxaa go’aaminaysa UEFA.

Hadalsame Media