XOG: Xagee marayaa dadaalka Soomaaliya ugu jirto soo daabacashada lacag cusub?

0

(Muqdisho) 13 Maarso 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaarto qabiir dhanka lacagta ah oo hore ugu soo shaqeeyay hay’adda lacagta Aduunka IMF kaasoo saldhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warsidaha Hadalsame Media ayaa fahansan in wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dalka loogu soo sameynayo lacag shillin Soomaali ah waxaana qarashka dabaacadda lacagtaasi ku baxaya aduun lacageed oo gaaraya Afartan iyo Kow Malyan oo doolar.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaanaysa deeqbixiye caalami ah ayaa wada dib u habeynta lacagta shilinka Soomaaliga oo aad waxyeelo ugu dhacday kadib burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Lacag la’aanta oo dalka Soomaaliya la aamisan yahay inay cuuryaamisay islamarkaana ay taasi caqabad ku noqotay dib u soo kabashada dalka ayaa waxaa haddii la helo lacag cusub la aamisan yahay in wax badan ay ka tari karto dhaqaalaha Soomaaliya.

Xogtaan ayaa sheegaysa in Muqdisho u sheegtay IMF in Baanka dhexe ee Soomaaliya uu diyaariyay nashqada lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah, waxaana la qabtay guddi farsamo oo ka shaqeyn doona hanaanka soo daabicida lacagta cusub.

Wajiga hore ee Mashruucaan ayaa Soomaaliya waxay fileysaa inay soo dabacato  752.5 Malyan oo Shillin Soomaali ah waxaana tirsigeedu ka billaaban doonaan meel hoose. Mashruuca qeybta labaad ayay Soomaaliya fileysaa inay soo daabacato lacag tirisigeedu ka ballaaran yahay tan hore.

Hadalsame Media