JUVE VS ATL 3-0 (3-2)… Reer Juventus iyo Ronaldo oo ka raystay jabkii lugtii hore + Sawirro

0

(Torino) 12 Maarso 2019 – Jookar Cristiano Ronaldo ayaa kaligii ka shaqeeyay kooxda Atletico Madrid oo uu 3 gool oo looga badiyayba uu isagu ka dhaliyey, taasoo kooxda Juve ka caawisay inay soo gaarto rubuc-dhamaadka CL.

Kooxda Juventus ayaa sidaa uga soo noolaatay guuldarradii lugtii hore oo Wanda looga soo badiyey 2-0, taasoo ka dhigan in isu gayn ahaan ay ciyaartu noqonayso 3-2.

Daafaca Giorgio Chiellini ayaa kulankan ku xusay ciyaartiisii 500aad, ciyaar ay laacibiin badani ka maqnaayeen kooxda Juve, balse Atleti ayaan marna u muuqanin koox halis ku haysa Juventus.

Ronaldo oo kulankan seddexleey ka dhaliyey ayaa Juve dareensiiyay sababta ay muhim u tahay inay markan haystaan xiddig wayn oo yaqaanna CL iyo habeenkii ay dhanaan tahay.

Kulankii kale kooxda Man City ayaa silcisay dhiggeeda Schalke 04 oo ay uga badisay 7-0, taasoo 10-2 ah isu gayn ahaan.

Hadalsame Media