JABKII SHIISHADDA: Waa sheeko DHAB ah oo dhug u baahan!

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2019 – Sheedaani waa sheeko dhab ah, waxa ay ku dhacday nin widaaygay ah isaga ayaana iiga sheekeeyey iina ogolaaday inaan qoro, laakiin waxa uu ka cudurdaartay in magiica warbaahinta bulshada lagu faafiyo. Sidaas darteed waxaan adeegsanaynnaa magaca Dugsiiye.

Sheekadan ayaa qayb ka ah buug cusub oo aan qoraalkiisa wado, haddaba sheekada haddaan idinla wadaago inkastoo ay aad u dheerayd waan soo koobaya waxay u dhacday sidan:

Waa galabnimo sabti ah January 26, waa maalinta qaranimada Australia, Perth na waxa ay isku diyaarinaysaa maamuuska maalintaan. Cirka waxaa ka muuqda daruuro teelteel ah, Qabow ma ahan kulaylkii darnaaa ee Perth na galabta ma jiro. Huur ma ahan dabayl wax bitinaysaana ma jirto, waxaadba mooddaa in lagu soo dhaweynayo cimmilada wanaagsan dabaaldega lagu guda jiro.

Kumannaan qofood oo isugu jira qaybaha bulshada ayaa waddooyinka qulqulaya ayaga oo qaarkood ku labbisan yihiin maryo lagu xardhay calanka dalka halka qaar gacanta ku sitaan calanka qaarna waaba huwan yihiin. Waxa ay ku qulqulayaan jiinka wabiga Iswaan (Swan) ee bartamaha Perth qaada si ay u daawadaan bulalayrma ka la ridi doono iyo qaalma-rogodka ay diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirku ku samayn doonaana magaalada dusheeda.

Gadiidka dadwaynaha ayaa la ciirciirayaa kumannaan daqiiqad walba gurada u fariisanaya. Dawladdu waxa ay waddooyinka soo saartay tareenno iyo basas dheeraad ah si u qaybqaataan daadguraynta dadwaynaha.

Kumannaan isugu jira Boliiska State-ka iyo kan Federaalka ayaa waddooyinka lagu soo is dhaafaya ma farasmagaaluhuna wuxuu la ciirciirayaa dad caaryoomey tiro intey ka qabaan.

Dugsiiye asagu waxa uu ka qayb yahay kumannaanka ruux ee ka shaqaynaya daadguraynta dadwaynaha oo waxa uu wadaa mid ka mid ah basaska magaalada.

Markii sacaaddu gaartay afartii galabnimo (4pm) ayaa la gaaray waqtigii Dugsiiye qaadan lahaa hal saac oo nasasho ah. Maadaama magaalada la wada xiray Dugsiiye waxa uu ku noqday dhiboogiisa (depot) si uu halkaas bareegiisa (break) ugu qaato.

Dugsiiye waxa uu aad u cabbaa shiishada oo uu aad u jecel yahay dhawr sannadood na uu soo cabbayay.inkastoo aanu mar walba iyo maalin walba cabin haddana xilliyada uu fasaxa yahay ayuu isku maaweeliya malaha balwad kale aan iyada ahayn.

Dugsiiye markuu saacaddii nasashada soo galay ayuu isku qanciyey meel uu tegi jirey oo aan ka dheerayn inuu aado oo baabuurkiisa kaxaysto, 45 daqiiqona halkaas ku soo qaato, iyadoo sii socod iyo soo socodna sugayaan magaalada sidaan ka warraney xaalkeedu ceeryoon yahay, ayuu go’aansaday inuu bartii shiishada iyo SHISHA BARkii cabbaar ku soo nafiso.

La soco qaybta labaad….

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media