ISKA JIR! Sidee tikitkaaga uga ogaan kartaa inaad raaci rabto dayuuradda Boeing 737 MAX 8?!

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2019 – Dalalka dunida ayaa iskaga dayanaya inay hawooyinkooda ka mamnuucaan dufcadda Boeing 737 MAX 8, jeer noocan oo ah midda ugu casrisan uguna iibsiga badnayd ay dood dheer ka taagan tahay, kaddib shilkii Ethiopian Airlines oo yimid 5 bilood uun kaddib midkii Indonesia ka dhacay.

Yeelkeede, waxaa weli jira sharikaad badan oo weli isticmaalaya 737 MAX 8 iyo MAX 9, waloow aan tan dambe cillad weli laga soo sheegin.

Haddaba sidee ku ogaan kartaa in aad ku qoran tahay dayuurad ah 737 MAX 8?

Waxaa jira ilaa 3 qaab oo sahlan oo ay rakaabku ku ogaan karaan in loo jaray tikikta dayuurad 737 MAX 8 ah.

  1. Ka hubi webka ama app-ka diyaaradda. Inaad gujiso lambarka duullimaadka waxaad ku ogaan kartaa nooca dayuuradda lagu saaray.
  2. Ka hubi diiwaanka dayuuradda webka hay’adda Hawada Maraykanka ee FAA. Inta aanad korin waxaad heli kartaa lambarka diiwaanka dayuuradda (registration number), kaasoo si loo jeedo ugu xardhan geesta dayuuradda, kaddibna lambarkaas geli meesha wax laga raadiyo ee webka FAA.
  3. Waxaad geli kartaa apps ay ka mid yihiin FlightRadar24 kaasoo kuu sahlaya nooca dayuuradda aad ku duuli rabto. Waxaad kaliya qaadanaysaa lambarka duullimaadka (flight number) ama fiiltarka app si aad u ogaato nooca 737 MAX 8 ama nooc kasta oo kale.

    Hadalsame Media