BREXIT OO BACAAD KU JIRA: Maxaa dhacaya haddii ”HAA” ama ”MAYA” loogu codeeyo heshiiska Theresa May?

0

(London) 12 Maarso 2019 – Haddii uu markii 2-aad guuldarraysto heshiiska Theresa May ee Brexit caawa waxaa xigi doona cawaaqib aan la saadaalin karin iyo xaalad aan kala caddayn.

RW May lafteeda ayaa qirtay in guuldarro 2-aad ay dalka Britain ”qalalaase siyaasadeed gelin karto” – iyadoo uu dood geli doono ‘inuu hir galo Brexit gebi ahaanba’.

MAXAA DHACAYA HADDII HAA LOOGU CODEEYO?

Haddii ay xildhibaannadu Khamiista ”haa” ugu codeeyaan inaan heshiis la’aan Yurub laga bixin, waxaa loo baahanayaa in maalinta xigta misna la codeeyo,  si dib loogu dhigo Brexit, yeelkeede, haddii taa loo codeeyo waxaa dhici karta in afti 2-aad loo baahdo.

Haddii laba jeer heshiiskeeda (Brexit deal) loo codeeyo, waxay taasi keeni kartaa in May loosoo jeediyo in ay xilka ka degto, haddii ay diidana waxaa is casili doona goleheeda wasiirrada.

MAXAA DHACAYA HADDII MAYA LOOGU CODEEYO?

Britain waxay midowga Yurub ka bexeysaa iyadoo aan wax heshiis ah la ahayn Midowga Yurub (No deal), waxayna taasi keeni kartaa cawaaqib xumo dhaqaale oo lasoo derista Britain.

”Maya” waxaa sidoo kale ka dhalan kara in Britain ay codsato in loo kordhiyo dhaqan gelinta Xeer 50, taasoo u badan 2 bildood, balse misna waxaa halis ku noqon kara doorashada Baarlamanka Yurub ee Maajo 22.

Waxaa la qaban karaa doorasho guud oo waqtigeeda ka horreeysa, waxay xitaa ”maya” keeni kartaa in afti 2-aad loo baahdo, taasoo sii ballaarinaysa qaybsanaanta dalka Britain.

Si kastaba, Britain ayaa xasarad siyaasadeed dhex muquuranaya, tan iyo markii uu u codeeyay inuu iskaga baxayo Midowga Yurub, lama hubo halka ay saldhigan doonto.

Codaynta 1-aad ayaa dhacaysa caawa 7-da fiidnimo xilliga UK, kaddibna waxay todobaadka soo aaddan la kulmi doontaa Golaha Yurub wax lagu sheegay kulankii ugu dambeeyay ee ay Britain xubin ka tahay Midowga Yurub.

Hadalsame Media