DHEGEYSO: DF Somalia oo dalka ka mamnuucday nooc ka mid ah dayuuradaha iman jirey!

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2019 – DF Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday diyaaradaha gabowga ah ee Antanov ee la sameeyey xilligii Midowgii Soviet ee bur buray.

Sida lagu baahiyey barnaamija Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, noocyada diyaaradaha la mamnuucay ayaa lagu sheegay ilaa 4 nooc oo kala ah:

Atanov 12, Atanov 24, Atanov 26, Atanov 32, kuwaas oo aan loo cusbooneysiin doonin qandaraasyada rukhsadda u siinaya inay ka shaqeeyaan dalka Soomaaliya, si adeegyadooda looga joojiyo Somalia.

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa markii hore shirkadaha isticmaala diyaaradahan, oo aan xitaa lahayn hannaanka shilalka ka diga ee loo yaqaanno Traffic Collision Avoidance System u qabatay inay dalka ugu dambeyn ka saaraan 28-ka Febraayo ee 2019, yeelkeede, waxaa loogu daray ilaa laba toddobaad, waxaana haatan loo qaabtay 15-ka Maarso 2019 oo Jimcaha ku beegan.

Halkan hoose ka dhegeyso barnaamijka

Hadalsame Media