JUVENTUS VS ATLETICO MADRID: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Torino) 12 Maarso 2019 – Waxaa caawa ciyaar lagu tilmaamay coltan dagaal ay gegada Allianz ee kooxda Juventus ku dhexmari doontaa kooxaha Juventus vs Atletico de Madrid.

Dhanka Juve: Shakiyo badan ayaa Allegri haysta jeer ay laacibiin badani ka maqan yihiin, min 11 safka hore ilaa shaxda. Waxay u badan tahay inuu dabaqo shaxda 4-3-3 waloow ay sidoo kale jiraan warar soo jeedinaya inuu qaadanayo 3-5-2.

Tan hore, Cancelo ayaa buuxinaya dadabka midig, halka uu Spinazzola gelayo dadabka bidix, iyadoo uu Bernardeschi dhamaystirayo seddexleey ay ku wehlinayaan Mandzukic iyo Ronaldo. Haddii shaxda dambe la qaato, Caceres wuxuu ku biirayaa daafac ka kooban 3 laacib.

Dhanka Atletico: Macallinka shucuurta badan ee Simeone ayaa dib u helaya gaashaanka adag ee Godin, balse waxaa weli ka maqan Lucas Hernandez iyo Filipe Luis. Waxaa ganaax ku maqan Diego Costa, taasoo ka dhigan in Morata uu weerarka ku wehlin doono Griezmann.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 22 PERIN, 24 RUGANI, 4 CACERES, 30 BENTANCUR, 16 NICOLUSSI, 10 DYBALA, 18 KEAN
  • 1 ADAN, 15 SAVIC, 35 MONTERO, 23 VITOLO, 47 JOAQUIN, 10 CORREA, 9 KALINIC

GANAAXAN

  • Alex Sandro
  • Diego Costa, Thomas

AAN LA HELI KARIN

  • Khedira, Cuadrado, De Sciglio, Barzagli, Douglas Costa
  • Lucas Hernandez, Filipe Luis

Hadalsame Media