”Ronaldo wuxuu ka mid yahay taariikhda Real” – Zidane oo baaq dadban diray! (Ma dhici kartaa inuu isna soo noqdo?)

0

Waxaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay in Zinedine Zidane uu dib ugu laabtay kooxda Real Madrid oo uu xagaagii uun ka rukhsaystay, balse wuxuu durba bilaabay raadinta Ronaldo.

Macallinka Real Madrid ee soo noqday ayaa yiri: “Waxaan filayaa inaan fasal-ciyaareedkan si wanaagsan ku dhamaysanno, kaddibna aan isu diyaarinno midka xiga”.

Zidane oo lala xiriirinayay kooxo ay ugu horreeyso Juventus ayaa qiray inuu haystey dhowr dalab, wuxuuna wax ka yiri inuu soo noqon karo Cristiano Ronaldo?

”Ma aha waqti ku habboon ka hadalkeeda, waan ognahay wixii uu halkan ka sameeyay. Waa laacib qayb ka ah taariikhda naadigan marna is bedeli mayso, balse ma aha xilli ku habboon ka hadalkiisa”.

Qaybta dambe ayay dadka qaarkii u tarjumeen in loo fasiran karo in Juun ay Real isku deyi doonto inay soo ceshato Ronaldo, mase sahlana.

Hadalsame Media