Soomaaliya oo looga kala ”DHUUNTAY” shir ka dhacaya Uganda + Sawirro

0

(Kampala) 12 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa furay shirka ”Africa Now”, isagoo sheegay in Africa ay noqon doonto udub dhexaadka dhaqaalaha dunida.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda geed fadhiga ah ee Africa Strategic Leadership Centre ee Munyonyo, Kampala, isla markaana soconaya 2 maalmood, ayuu ujeedkiisu yahay in la amba qaado wada hadal ay Afrika leedahay oo wax lagaga qabanayo taya xumada nololeed iyo midda maamul ee Afrika haysata, si loo abuuro Afrika hufan oo dhan walba iska iskaashanaysa.

Yeelkeede, durba waxaa soo baxday caajiska madaxda Afrika, iyadoo ay shirka wefdi heer hoose ah iyo madaxwayne xigayaal usoo direen madaxda dalalkii lagu casuumey, iyadoo aanu shirka dibedda uga imanin madaxwayne dal marka laga reebo MW Somalia ee Farmaajo.

Shirkan ayaa lagu casuumey madaxda South Afrika, Masar, Tanzania, Nigeria, Kenya, Rwanda iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika.

Dadyoowga Afrika ayaa maanta tiro ahaan lagu qiyaasaa 1.25bilyan oo qof, iyagoo iibsan kara badeeco ku kaceeysa  US$6.757 tarilyan oo doollar, halka 2050 ay gaari doonaan 2.5bilyan oo qof.

Hadalsame Media