DUNI COLAADEED: Dalkee ugu diyaarado badan guud ahaan Bariga Dhexe?

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2019 – Waxaa guud ahaan aan qarsoodi ahayn inuu dunida ka jiro hab urursi ballaaran, kaasoo ay isku hubaynayaan dalal badan oo aan markii hore soo jireen ahaan aan ka mid ahayn cududaha dunida ka jiri jirey, sida Shiinaha, Hindiya iyo kuwo kale.

Dalalka Qatar, Sucuudiga, Yuhuuda iyo Imaaraatka ayaa noqday dalalka ugu iibsiga badan hubka adduunka oo dhan 4-tii sano ee ugu dambeeyay taas oo dhalisay shaki ah in Barriga Dhexe uu marti galin doono hardan si toos ah u dhexmara dhinacyadaas, waxaana dhici kara dagaal sokeeye oo dhex mara dunida Muslimka oo loo kala saarayo Shiico iyo Sunni, iyadoo la adeegsanayo duwalka daba dhilifka ah ee Bariga Dhexe, si Israel loogu daneeyo.

Haddaba, wadankee ugu badan diyaaradaha dagaalka guud ahaan dalalka Bariga Dhexe?

??Masar: 1,092
??Turkey: 1,067
??Saudi Arabia: 848
??Israel: 595
??UAE: 541
??Iran: 509
??Syria: 457
??Iraq: 327
??Jordan: 290
??Oman: 175
??Yemen: 169
??Bahrain: 107
??Qatar: 100
??Kuwait: 85
??Lebanon: 63

Xigasho: Shabakadaa Global Fire Power ee ka faaloota arrimaha ciidamada.

Hadalsame Media