LAMAANE CUSUB: Waxay u qortay inay hadda dayuuradda raacday, balse intii aanu u jawaabinba geerideedii ayaa loo sheegay + Sawirro

0

(New Delhi) 12 Maarso 2019 – Lamaane dhowaan is guursadey oo uu midkood saarnaa dayuuraddii calafku ka hiilliyey ee Ethiopian Airlines ayaa laga soo sheegayaa qiso murugo badan.

Shikha Garg, ayaa u safraysay shir ay QM ku lahayd Nairobi, waxaana wax ka yar 3 bilood guursadey Soumya Bhattacharya kaddib xiriir jacayl oo ay walwaalayeen 3 sanadood.

Bhattacharya ayaa laftiisu xaaskiisa la safri lahaa markii hore isagoo xitaa tikitka jartay, balse daqiiqaddii ugu dambeeysey ayuu qorshihiisa bedeley, iyadoo la isku af gartay inuu ku haro magaalada New Delhi, sida uu qorayo warqaadka Times of India.

‘Waxaan fuulay dayuuradda, waana kusoo wacayaa marka aan degnoI,’ ayay duqeeda u qortay Garg.

Balse kahor intii aanu duqeediiba usoo jawaabin, ayuu qof soo wacay kaasoo u sheegay inay dhacday dayuuraddii ay xaaskiisu saarrayd.

Lamaanaha oo ku wada nool New Delhi, ayaa sii qorshaystay inay tamashle wada aadaan marka ay Garg kasoo noqoto Nairobi, halkaasoo ay uga qayb geli lahayd kulan sanadeedka degaanka ee UN Environment Programme.

Isniintii shalay ahayd Wasiirad Gudeedka Hindiya, Sushma Swaraj, ayaa sheegtay inay la’dahay meel ay kala xiriirto qoyska Garg, iyadoo kaalmo dadka ku waydiisatey Twitter, balse markii dambe ayay sheegtay inay heshay qoyska murugaysan ee Garg.

Shilkaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay 3 kale oo u dhashay dalka Hindiya.

Hadalsame Media