Wax ka ogow socdaalka RW Kheyre ee Magaalada Kismaayo + Sawirro

0

(Kismaayo) 11 Maarso 2019 – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubaland ayaa waxaa goor dhow oo maanta ah gaaray wafdi ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha Kismaayo kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, lagu muujinayo soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaalada xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada Magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrimo badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga iyo midnimada.

Hadalsame Media