Maxay Paul Kagame ka baran kartaa DF Somalia ee lagu kari la’yahay dhismaha CIIDAMO QARAN?!

0

(Hadalsame) 11 Maarso 2019 – Somalia oo ah dal uu burbur hay’adeed iyo mid nidaamba ku socdey muddo 40 sanadood ka badan, ayaa la hardamaysa sidii ay dib ugu soo noqon lahayd jidka dowladnimada iyo kala dambaynta.

Yeelkeede, ma sahlana waayo waxaa inta badan la isku deyayaa in dowladnimada lagu soo celiyo isla sababtii ay ku duntey sida qabyaalad, qorshe qaran la’aan, qaybsanaan, daba-dhilifnimada dalal shisheeye, musuq iyo muluc maaluc badan.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee uu dal ku taagnaan karo, marka ay timaaddo xasilinta gudihiisa iyo la xuslinta caqabadaha kasoo wajaha xuduudaha dibadeed waa lahaanshiyaha xoog ciidan oo ku filan, waana arrin ay ilaa haatan dowlad kasta ku fashilantay, sababtu wixii ay tahayba, waloow eedda loo badinayo rabitaan gudeed oo dhab ah oo aan jirin in ka badan eedaha loo jeediyo cududaha dibadeed.

Mdaxweynaha waddanka Rwanda Paul Kagame ayaa la weydiiyay waxyaabihii ugu adkaa markii uu la wareegay talada dalkiisa oo xilligaa is qashay aadna u kala qaybsanaa, waxaana uu yiri:

“Waxaa aad iigu adkaatay dhisidda ciidanka xoogga dalkayga, waayo taliye kasta oo aan magacaabo wuxuu ciidanka u qoraa oo uu ka soo buuxiyaa askar tolkiisa ah, wax hagaagayna ma lahan.

”Markii aan arrintaa maaro u waayay waxaa lagama maarmaan noqotay inaan anigu gacantayda ku diiwaan geliyo ciidamada cusub ee la qorayo oo aan imtixaan ka qaado, taasoo waqti badan iga lumisay, balse aan ku guuleystay, anigoo u sheegaya inay qaran u shaqaynayaan ee aanay qabiil u qornayn.”

Haddaba, si loo hanto dowladnimo buuxda, (ma aha midda jilliinka ah ee maanta dhowrka madaxwayne lehe) oo ah wax ay maanta aad ugu baahan tahay Somalia, waa in uu dalku yeeshaa ciidan leh dishibiliin iyo mabda’ qaran, tiradooduba ha yaraatee.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media