KHAYR MADOOW: Laba nin oo siyaabo kala duwan uga badbaadey shilkii dayuuraddii shalay dhacday!

0
(Addis Abeba) 11 Maarso 2019 – Ugu yaraan laba qof oo raaci lahaa duullimaadkii ay nasiib darradu haleeshay ee Ethiopian Airlines ee diley qof kasta oo saarnaa dayuuraddii Boeing 737 MAX 8 ayaa sababo kala geddisan u badbaadey.

Qaddarta Ilaahay darteed, Antonis Mavropoulos wuxuu ku badbaadey 2 daqiiqo oo uu soo dib dhacay, isagoo yimid iyadoo iminka uun la xirey Iridda laga galo dayuuradda.

“Waxaan arkayey dadka oo dayuuradda fuulaya. Waan ka caraysnaa inay iga diideen inaan raaco,” ayuu ninkani u hilinka Giriigga ah ee ALPHA TV, isagoo gocday inay caradaasi ka ba’day markii loo sheegay in dayuuradda cusub ee Boeing 737 MAX ay dhacday 6 daqiiqo uun kaddib markii ay kacday.

“Nasiib ayaan leeyahay haddaanba maanta nool ahay, saaxiibbo badan baana jacayl ii muujiyey,” ayuu kusoo qoray faahfaahin dherer badan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Mavropoulos ma aha qofka qura ee duullimaadkaa ka badbaadey. Ahmed Khalid ayaa sidoo kale seegay duullimaadkaa ku socdey Nairobi, kaddib markii dib loo dhigay duullimaadkii kasoo qaadi lahaa Dubai ee keeni lahaa Addis Ababa.


Hadalsame Media