DAAWO: ”Yaa filayey inay gabar Soomaaliyeed shidi doonto DOOD QARAN oo muddo dheer laga meermeerayay!” – Barnaamijka Cross Talk oo lagusoo qaatay Ilhaan Cumar

0

(Washington, DC) 11 Maarso 2019 – Waxaa dalka Maraykanka ka holcaysa dood ay dabka saartay gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar, oo ku dhiiratey inay dhahdo wax ay dad badan dhihi lahaayeen, balse aysan dhicin inay ku dhiirradaan.

Masraxyada doodda dalkaasi Maraykanka oo muxaafad iyo liberaalba iskugu jira ayaa haatan qoor qooraysanaya doodda ku saabsan saamaynta ay Israel ku leedahay madlaha siyaasadeed ee Maraykanka, iyadoo dabcan adeegsanaysa hay’ado ay ugu wayn tahay midda qalqaalada samaysa ee AIPAC oo muddo dheerba xiriir mugdi badan la leh Koongarayska Maraykanka.

Barnaamijka Cross Talk ee ka baxa hilinka RT ee laga leeyahay dalka Ruushka, faraciisa Maraykanka ayaa agaasimey dood arrintan ku saabsan.

Weriyaha ayaa warkiisa ku furay sidatan: ”Yaa fili karey in ay gabar Soomaali u dhalatay oo Muslim ah loo doorto Koongarayska ay shidi doonto dood qaran oo ay ahayd in ay mar hore bilaabato?”

Dad badan oo Maraykan ah oo markii hore lagu cabsiin jirey in wax kasta oo Israel ku saabsani ay yihiin lama taabtaan, iyadoo lagu xuuxinayo inay tahay ”Saam-nacayb” ayaa iminka bannaanka usoo baxaya, iyadoo ay yaab leedahay in Carabta ay Yuhuuddu dhibaataynayso ay laftoodu Saami yihiin.

Ilhaan Cumar ayaa haatan Maraykanka looga arkaa inay la timid ku dhac naadir ah oo ay geesaha uga qabatay dibi xayraan ah oo awal loo dhowaan la’aa.

Saxaafadda Maraykanka oo badanaa ilaalisa dano shirkado leeyihiin ayaa isku dayday inay gaas ku dhejiso dharka Ilhaan Cumar, iyadoo u sawireeysa ”xag-jirad cunsuri ah oo Yuhuudda neceb”, balse taasi ilaa  haatan ma hirgelin.

Hoos ka daawo doodda….

 

Hadalsame Media