Aamina Odawaa waxay doonaysay inay caruusad noqoto mase calfan!!

0

(Edmonton) 11 Maarso 2019 – Hilinka CTV News ayaa xaqiijiyey in haweenay Soomaaliyeed oo reer Edmonton ah iyo gabar yar oo ay dhashay ay ka mid ahaayeen 157 qofood oo rakaab ahaa oo saarnaa Ethiopian Airlines.

Mohamed Hassan Ali ayaa sheegay in walaashiis Amina Ibrahim Odowaa, iyo gabadha uu abtiga u ahaa ee Safia Faisal Abdulkadir, ay la socdeen duullimaadkaas Addis Ababa, Ethiopia, ku xirayey Nairobi, Kenya.

Hooyada iyo gabadheeda ayaa la sheegay inay Edmonton kasoo duuleen Jimcihii, iyadoo uu walaalkeed oo reer Toronto ihi sheegay inuu rajeeyay in ay “dayuuraddaa ka hartay oo ay weli garoonka ku xayiran tahay,” balse taasi ma dhicin.

Marxuumad Aamina Odawaa ayaa la sheegayaa inay Nairobi ugu socotey inay is guursadaan nin halkaa ku sugan, taasoo ahayd qorshaha ugu wayn ee ay magaaladaa ugu socotey.

“Waa arrin musiibo ah oo aanay cidina filaynin.” ayuu yiri walaalkeed.

Hadalsame Media