Gaari dad shacab ah saarnaayeen oo Miino kula qaraxday gobolka Jubbda Hoose

0

(Taabta) 11 Maarso 2019 – Wararka laga helayo tuulada Taabta ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dad shacab ah ay dhinteen kuwa kalena ku dhaacmeen kadib qarax miino oo qabsaday gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Miinadaan oo la sheegay in wadada la galiyay ayaa la sheegay inay haleeshay Gaari Homey ah oo qudaar waday waxaana ku dhintay 1 qof iyadoona dhowr qof oo kale ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad ku dhaqan Tuulada Taabta.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaariga miinadu haleeshay waxaana la soo sheegayaa inuu ku jiro qof dhaawaciisa halis yahay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inay iyagu Miinda ku aaseen wadada islamarkaana ay qarxiyeen dadka shacab ah oo musaafur ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka waxyeeladu soo gaartay loo soo qaaday Magaalada Kismaayo si  halkaasi loogu dabiibo.

Hadalsame Media