19 ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

0

(New York) 11 Maarso 2019 – Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee ka dhacay shalay dalka Itoobiya. Dadkii Saarnaa diyaaradaasi burburtay oo gaarayay 157 ayaa dhintay sida wararku sheegayaan.

WFP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Baarnaamijka cunnada Adduunka ayaa sheegtay in 7 ka mid aha shaqaalaheeda ay ku dhinteen shilkaasi halka sidoo kale xafiiska qaxootiga UNHCR ay kaga geeriyoodeen shaqaale gaaraya labo ruux.

FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa shilkaasi kaga dhintay min hal shaqaale. Sidoo kale 6 shaqaale oo ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobey.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU shilkaasi ay kaga dhinteen tiro shaqaaleahaa.

Dadyow u kala dhashay 33 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada waxaana tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya.

Hadalsame Media

Facebook Comments