XOG: Duuliye Soomaali ah oo la sheegay inuu wax ka wadey dayuuraddii dhacday!

0

(Addis Abeba) 10 Maarso 2019 – Dufcadda cusub ee Boeing 737-8 MAX oo ay Itoobiya soo iibsatey bishii Nofeembar, ayaa saaka subixii hore dhacday isla markii ay duushay.

Inta aanay dayuuradduu dhicin kahor ayaa la sheegay inay duuliyeyaashu sheegeen inay cilladi haysato, waxaana loo fasaxay inay kusoo laaban karaan garoonka Bole International Airport, balse abid sooma laaban, iyadoo intii aanay dhicin kahor xiriirkeedii la waayay.

Haddaba, dayuuraddan ayaa waxaa kexeeynayey duuliye Yared Getachem, oo ah duuliye waaya arag ahaa oo hawada ku jirey in ka badan 8,000 oo saacadood, iyo duuliye xigeenka oo la sheegay inuu Soomaali ahaa lana yiraahdo Ahmed Nur Mohammad Nur, kaasoo duulay 200 oo saacadood oo qura.

Dayuuraddan oo ay gebi ahaanba wada leedahay dowladda Itoobiya ayaa siddey 149 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah, markii ay dhacaysey, hal qofna kama badbaadin shilkaasi.

Hadalsame Media