Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku xiray nin ku labisnaa dharka dumarka oo is qarinayay

0

(Muqdisho) 11 Maarso 2019 – Ciidamada Booliska Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka mid yahay ururka Al-Shabaab kaasoo sida la sheegay xirnaa labiska lagu yaqaano dumarka.

Ninkaan oo illaa hadda Magaciisa la sheegin ayaa waxaa la sheegaya inuu xirnaa Xijaab Madow ah, Cabaayad Madow iyo Indha Shareer, waxaana dadka degmada Kaaraan ay warbixin u gudbiyeen ciidamada amniga.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegayaa inay baaritaan ku sameeyeen ninkaan laga shakisanyahay iyadoona aan la shaacin haddii wax hub ah laga helay iyo haddii kale.

Saraakiisha Degmada Kaaraan ayaa sheeegay in ninkan ay u badantahay inuu Sirdoon u ahaa ururka Shaabaab.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa degmada Kaaraan ku dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya dabayaaqadii bishii hore.

Horey ayay kiisas nuucaan ah uga dhaceen caasimadda oo maalmihii dambe ay ku soo badanayeen falalka la xiriira dilalka iyo qaraxyada.

Hadalsame Media