Shiinaha & Itoobiya oo hakiyey isticmaalka dayuuradaha Boeing 737 MAX + Sawirro

0

(Hadalsame) 11 Maarso 2019 – Shirkado badan oo duullimaadyada ka shaqeeya ayaa lagu wadaa inay hakiyaan adeegsiga dayuuradda ay farsamayso sharikadda Maraykanka ah ee Boeing, gaar ahaan dufcadda 737 MAX 8 kaddib markii uu isa soo taray walaaca la xiriira amaankeeda.

Jeer ay socdaan baaritaanno ku aaddan wixii ridey dayuuraddii shalay ku dhacday dalka Itoobiya ayuu Shiinuhu amar ku bixiyay in hawada laga saaro nooca Boeing 737 MAX 8 marka ay saacadda maxalliga ihi tahay 6 p.m, taasoo ay u aaneeyeen wax ay ku sheegeen mabda’ooda “oo aan wax dulqaad ah u lahayn halisaha dhanka badbaadada.”

Shiinaha ayaa ah dalka adeegsada raxanta ugu badan ee dayuuradaha Boeing 737 MAX 8, isagoo ku howlgala ilaa 97 dayuuradood oo noocaas ah, sida ay sheegayaan saxaafadda Shiinuhu.


Waxaa raadka Shiinaha raacday Ethiopian Airlines oo ah shirkadda uu dhibkii ugu dambeeyay qabsaday, oo iyana ku dhawaaqday inay si KMG ah u hakinayso ku shaqaynta dayuuradaha Boeing 737 MAX 8 taasoo ah tillaabo loo qaaday “taxaddar amaan ahaan” kaddib shilkii ay shalay ku dhinteen 157 qof.

Sharikadda Ethiopian Airlines Group ayaa waxaa haatan u harsan oo ah nooca 737 MAX oo ka mid ah raxanteeda duullimaad, iyadoo ay 25 kale oo noocaa ihi uga dalbanaayeen Boeing.

Yeelkeede, haatan waa la joojiyay adeegsiga dayuuraddaasi, ilaa amar dambe, kaddib shilkii duullimaadkii 302 oo shalay dhacay daqiiqado uun kaddib markii ay kacday, taasoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo dhan.

Dayuuradda ayaa gegada Bole International Airport ka duushay saacadda maxalliga ah 8:38am (06:38 GMT) waxaana “markiiba lumay xiriirkeedii” 6 daqiiqo uun kaddib meel u dhow Bishoftu (Debre Zeit), oo ah magaalo 60km koonfur bari kaga toosan Addis Ababa dhanka jidka.

Dayuuraddan oo ah nooca Boeing 737-800MAX waxay la mid tahay dayuuraddii Indonesian Lion Air ee dhacday bishii Oktoobar, 13 daqiiqo uun kaddib markii ay ka duushay Jakarta, taasoo ay ku dhinteen 189 qof oo saarnaa.

Yeelkeede, shilkii ugu dambeeyay ee ay soo mara Ethiopian Airlines wuxuu ahaa mid qabsaday Boeing 737-800 taasoo qaraxdey markii ay ka duushay Libnaan sanaddii 2010, taasoo ay ku dhinteen dhamaan 83 rakaab ahaa iyo 7 shaqaale ahaa.

Hadalsame Media